4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 19, 2022
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Maanta la wareegay deegaano dhowr ah ka tirsan gobolka Hiiraan
 

Khamiis, May, 19, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan iyo deegaanada hoos taga ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gorgor ay maanta la wareegeen fariisimo cusub oo ay horay ugu sugnayeen dagaalyahanada Al-shabaab.

Deegaanada ciidamada dowladda howlgalada qorsheyshan ay Maanta ka sameeyeen ayaa kala ah, Labiceebad, Bacaha, Beergadiid, Xodale, Xajiin farayar, Laasaban iyo Coomaad, deegaanadaas oo dhamaantood ah deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ururka 3-aad guutada 17-aad ee  ciidanka Gorgor dhamme Jamaal Cilmi Aadan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in dagaalamayaashii Al-shabaab ee ku sugnaa deeganadaasi ay isaga carareen mudadii ay ciidanka dowladda howlgalada ku guda jireen.

Taliyaha ayaa intaas ku daray inay Howlgalkoodu uu yahay mid sii socon doona ilaa ciidamada Al-shabaab ay ka saaraan meelaha ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Howlgalka ciidamadaan ka tirsan Kumaandooska Gorgor ayaa imaaya xili dagaalamayaasha Al-shabaab mudooyinkii dambe si fudud ay ula wareegayeen gacan ku haynta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online