4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 18, 2022
Madaxweyne Biixi: 31 sanno oo aynu kala maqnayn walaalaheen kamaynaan helin wax garowshiyo ah
 

Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay xuska munaasibada madaxbannaanida Somaliland ee 18 May, ayaa sheegay in Somaliland anay dowlada Soomaaliya wax garowshiyo ah ka helin 31 sanno kadib.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladihii kala danbeeyay ee soo maray Soomaaliya burburkii dowladii dhexe kadib, anay haba yaraatee wax garowshiyo ah ka bixin, qadiyada madaxbannaanida Somaliland.

"31 sanno oo aynu kala maqnayn walaalaheen kamaynaan helin wax garowshiyo ah, kamaynaan helin gar qaadasho, waxay inoo haystaan in aynu nahay dhamaanteen gobol kamid ah oo aan odhan karin xor ayaanu nahay, kii ugu horeeyay ee madaxweynenimo Carta loogu doortay ilaa kaa shalay la doortay talada way ka simanyihiin" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxwenynaha ayaa hambalyeeyay isla markaana u duceeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu u rajeeyay in uu garowshiyo ka bixiyo madaxbannaanida Somaliland, oo la noqdo laba dowladood oo walaalo ah.

"Madaxweynaha shalay doorashadoodu nabada ku dhacday iyo labada madaxweyne ee gacanta isku dhiibay, aad iyo aad ayaanu usoo dhawaynaynaa, in Alle idiin barakeeyo oo sidaa kuwadaan oo khilaafka idinka jabinaya waan idiinku ducaynaynaa, inaguna in aynu kala nabad galno oo aynu walaalo jira ahaano ayaanu idinka doonaynaa" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

"Walalayaalow wadnay oo wadnay oo walaalo wax dhaama garan waynay in aad nala garataan ayaanu jecelnahay oo aydaan isdiidsiin Somaliland" ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha oo ka sheekeeyay sababaha keenay in Somaliland ka laabato midowgii, ayaa sheegay in 30 kii sannadood ee dowladii Soomaalidu jirtay, Somaliland loo gaystay cadaadis, gacan bidixayn, burburin iyo dulmi ku kalifay in ay goosato.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online