4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 16, 2022
Raysal wasaare Rooble iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka oo u hambalyeeyay madaxweyne Xasan Sheekh
 

Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya oo Xalay loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Rooble ayaa madaxweynaha cusub ee dalka eebe uga baryay inuu la garab galo masuuliyadda qaranka ee loo igmaday, isagoona u mahadceliyay Xildhibaanada labada Aqal oo codkooda dalka uga saaray xaaladdii hubanti la’aanta aheyd ee uu ku jiray dalka.

"Waxaan rajeynayaa in madaxweynaha la doortay uu dalka ku hoggaamiyo hannaan wax ka tara xaqiijinta amniga dalka, horumarinta dhaqaalaha, soo celinta kalsoonidii iyo xasilloonidii siyaasadeed ee dhaawacantay, kordhinta adeegyada bulshada, hagaajinta xiriirka dibadeed ee dalka, qabyo-tirka dastuurka, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo arrimaha kale ee hortebinta u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Waxaa sidoo kale fariin hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka sida Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo isaga ka mid ahaa musharaxiintii u tartantay xilka madaxweynaha, kuwaas oo dhamaantood madaxweynaha cusub Alle uga baryay inuu ku asturo xilka culus ee loo igmaday.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online