4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 16, 2022
Dhaqdhaqaaqii kala duwana ee Shacabka magaalada Muqdisho oo dib u bilaawday Maanta

Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - In ka badan 30 saacadood oo ay xaalad bandow ah ku jirtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya oo ay ka socotay doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, waxaa saaka dib u furmay dhaqdhaqaaqyadii kala duwana ee bulshada ku dhaqan Muqdisho.

14-kii bishaan oo ku beegneyd maalintii Sabtiga ee lasoo dhaafay ayay aheyd markii Taliska Booliiska Soomaaliyeed ay shaaciyeen wargelinta la xariirta bandowga xirnaashiyaha waddooyinka iyo hakinta dhaqdhaqaaqa kala duwan ee shacabka Magaalada Muqdisho, islamarkaana uu qaadmayo bandowga 16-ka bishaan May 2022 oo ku beegan maanta oo Isniin ah.

Bandowga Booliiska Soomaaliya uu soo rogay mudadii u dhaxeysay 14-kii bishaan iyo maanta oo 16 ah ayaa Talisku shacabka Soomaaliyeed uga sii cudur daartay dadka noloshoodu ku tiirsaneyd xoogsiga ama muruqmaalka mudada uu bandowga saaran yahay Muqdisho.

Guud ahaan xaalada magaalada Muqdisho saaka waa mid jawigeeda dagan yahay maadama uu dib u bilaawday isku socodkii dadweynaha iyo gaadiidka, ayna dib u furmeen goobaha Waxbarashada iyo Ganacsiga.

Doorashada madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya shalay duhurkii bilaabatay ayaa soo gabagabowday xalay saqdii dhexe, waxaana tartanka doorashada madaxweynaha afarta sano ee soo socota ku guuleystay Xasan Sheekh Maxamuud oo horay usoo qabtay xilka madaxweynaha intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2017.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online