4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 15, 2022
Wareegga labaad ee tartanka doorashada madaxweynaha oo billaabatay
 

Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Wareegga labaad ee doorashada madaxweynaha ayaa goor dhowayd billaabatay, iyadoo ay ku tartamayaan afarta musharrax ee usoo gudubtay wareegga labaad, kuwaas oo kala ah, Farmaajo, Xasan Sheikh Maxamuud, Siciid Deni iyo Xasan Cali Kheyre.

Musharrixiinta wareeggaan usoo gudbay oo haysta codad isku dhow dhow ayaa sababtay in aanay jirin wax tanaasul ah oo la sameeyay.

Labada musharrax ee ugu codadka badan ayaa u gudbi doona wareegga saddexaad ee ugu dambeeya doorashada, iyadoo midkii wareegga saddexaad ku guulaysta uu ahaandoono madaxweynaha Soomaaliya.

Olole doorasho oo aad u xooggan ayaa dhacay intii lagu jiray nasashada, waxaana muuqata in musharraxiinta ay labo labo isku bahaysteen, islamarkaana midkii hara uu kan kale codkiisa ku taageeridoono.

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xildhibaannada labada aqal ka codsaday inay codkooda ugu hiiliyaan, si uu mushaarkooda kor ugu qaado wax badana dalka uga qabto.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sidaas oo kale xildhibaannada ka codsaday inay codkooda siiyaan si uu dalka ugu hoggaamiyo doorasho qof iyo cod ah.

Doorashadan waxaa lagu tilmaami karaa doorashadii ugu adkayd ee madaxtinimada Soomaaliya, waana doorashadii ugu horraysay oo madaxweynihii talada hayay looga sarreeyo codadka doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]