4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 15, 2022
Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo hadda si rasmi uga billaabatay teendhada Afisyooni

Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda ka billaabatay magaalada Muqdisho gaar ahaan teendhada Afisyooni, halkaas oo ay ku sugan yihiin in ka badan 300 xildhibaan oo dooran doona madaxweynaha Soomaaliya hoggaamin doona afarta sano ee soo socota.

Guddiga doorashada ayaa ka hor inta aysan billaaban codbixinta doorashada waxay shaaciyeen saddex musharrax oo si rasmi ah ugusoo gudbiyay inay ka tanaasuleen tartanka doorashada.

Musharraxiintan ayaa waxay kala yihiin, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Xuseen Cabdi Nuunow. Waxayna taas ka dhigan tahay inay doorashada ka qeyb galayaan 36 musharrax.

Hoolka doorashada ayaa waxaa gaaray raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo gacan qaaday musharraxiinta u sharraxan xilka madaxweynaha oo uu ku jiro madaxweyne Farmaajo.

Afarta musharrax ee kasoo gudba wareegga koowaad ayaa u tartami doonta wareegga labaad ee doorashada.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]