4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 15, 2022
Warbaahinta madax bannaan oo loo diiday inay hoolka doorashada la galaan Moobaylada iyo Kambayuutarada

Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Warbaahinta madaxa bannaan ee loogu talo galay in ay soo tebiyaan doorashada madaxweynaha, ayaa sheegay in loo diiday inay hoolka doorashada la galaan Mobaylada iyo  Kambuutarada ay ku shaqeynayaan.

Qaar kamid ah weriyayaasha oo hadlayay ayaa sheegay inay diideen inay ka tagaan qalabkooda shaqada, iyagoo sheegay inay suurtagal ahayn in hoolka doorashada galaan iyagoo aan qalab wadanin.

Waxay sheegeen in doorashooyinkoodii hore ee dalka ka dhacay aan saxaafadda lagu sameynin diidmo nuucaan oo kale ah, waxayna guddiga doorashada ugu baaqeen in arrintaan wax laga qabto.

Waxaa hoolka doorashada kaliya ku sugan warbaahinta ku hadasha afka dowladda ee SNTV.

Waxaase socda dadaallo loogu jiro in warbaahinta laga qaado xayiraada islamarkaana loo oggolaado inay qalabkooda la galaan hoolka ay doorashada madaxweynaha ka dhacayso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]