4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 15, 2022
Itoobiya iyo TPLF oo laga cabsi qabo in mar kale ay faraha isasaaraan
 

Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka sare ee Itoobiya Agenyahu Teshager oo la hadlayay Wakaaladda Wararka ee Itoobiya ayaa sheegay in kooxda TPLF ay isu diyaarinayso in mar kale ay dagaal soo qaado.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in kooxda TPLF oo dagaal mar kale qorshaysa, ay ka dhigan tahay inaysan wali kooxdu ka waantoobin khaladaadkii ay iyagu horey u galeen, isla markaana aysan dan iyo muraadtoona kalahayn nolosha shacabka, isla markaana ay rabaan inay Itoobiya burburto mar haddaysan iyagu xukunka qabanayn.

Dhinaca kale Guddoomiyuhu waxa uu kooxda TPLF ku eedeeyay inay caruurta yaryar iyo dadka waayeelka ah ee ku dhaqan gudaha Tigray, ku qasbayaan inay  dagaalka galaan, wuxuuna beesha caalamka ka cosaday inay wax ka qabato arrinka ay TPLF caruurta iyo waayeelka ku dagaal galinayso.

Geesta kale Maamulka degaanka Axmaarada ayaa heegan buuxa galiya laamaha kala duwan ee Amniga gobolka Axmaarada, si haddii ay weeraro soo qaadaan kooxda TPLF la isaga caabiyo.

Kooxda TPLF ayaa horey waxay u sheegtay inay dib u bilaabayaan dagaal ka dhan ah dowladda Itoobiya, iyadoo u sababaysay in xabbad joojintii ay labada dhinac ku dhawaaqeen dhawaan aysan wax faa'iido ah u keenin shacabka Tigray, walina wax walba uu sidiisii un yahay.

Dagaalkii Waqooyiga Itoobiya ka socday ee u dhaxeeyay Dowladda Itoobiya iyo TPLF oo in dhexdii ahayd joogsaday, sababa la xiriiray xabad joojin ay labada dhinac isku afgarteen, ayaa haatan u muuqda mid dib uga bilaabmi kara TPLF iyo Dowladda Itoobiya, marka la eego diyaar garowga TPLF iyo jawaabaha kasoo baxaya dowladda Itoobiya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]