4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 14, 2022
Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabtay mudaharaadyadii uu Cirro balan qaaday
 

Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka jawaabay mudaharaadyadii uu balan qaaday musharaxa xisbiga Waddani, ayaa sheegay in xukuumadu dalka ku hogaaminayso nabadgalyo.

Kaahin ayaa sheegay in nabada Somaliland lagu dhaliyay qori caaradii, taasina ay sababtay in Cirro uu yeesho hami madaxweyne-nimo.

"Dhulkan waa losoo dhintay, xabada xabadka ayaa losoo dhigay, waa losoo naafoobay, halgankaasi wuxuu dhalay nabada, naxariista iyo wanaaga maanta la joogo, ee uu isagu hamiga iyo qamiga ku leeyahay, ee uu leeyahay madaxweyne ayaan doonayaa" ayuu yidhi Kaahin.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumada Somaliland, ay nabad ku hogaaminayso shacabka, isla markaana ay dhalinyarada Somaliland wada walaalo yihiin.

"Waxaanu idinku hogaaminaynaa nabadgalyo, waxaanu idinku hogaaminaynaa isjacayl, waxaanu idinku hogaaminaynaa hadii aad Kulmiye tihiin, dhalinyarada Waddani joogtaana waa walaalihiin, dhalinyarada UCID joogtaana waa walaalihiin, axsaabta siyaasiga ahi qaranka midka ah ayay kamid yihiin" ayuu yidhi Kaahin.

Waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland anay shacabka qixin doonin, isla markaana aanu Cabdiraxmaan Cirro cidna qixin karin.

"Jaamacadaha idinka qixin mayno, iskuulada idinka qixin mayno, dadka umulan iyo dumarka jajaban ee isbitaalada ku jirana qixin mayno, adiguna Cabdiraxmanow qixin kari maysid" ayuu yidhi Kaahin.

Madaxda sare ee xisbiga Waddani, ayaa kulan ay la yeesheen qaar kamid ah dhalinyarada magaalada Hargaysa Jimcihii, kula balamay in ay banaanbaxyo sameeyaan hadii doorashadu dhici waydo 13, November, 2022.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online