4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 14, 2022
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo soo saaray fariin deg deg ah oo ku socota Musharaxiinta Madaxweynaha
 

Sabti, May, 14, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhaw soo saaray fariin ku socota Musharaxiinta u taagan tartanka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayaa looga dalbaday dhamaan Musharaxiinta iney guddiga usoo gudbiyaan magacyada Musharax kasta xubinta u qaabilsan tirinta codadka doorashada.

Guddiga ayaa qoraalka kasoo baxay waxay ku sheegeen in Musharaxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay aysan suuragal u noqon doonin inuu hoolka doorashada soo galo qof la socda, waxaana Musharaxiinta laga codsaday in ugu dambeyn Maanta 12:30 ay kusoo gudbiyaan magacyada xubnaha codadka u tirin doona.

“Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka. Musharraxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay uma suurta gali doonto in uu hoolka doorashada soo galo qofka la socda FG: Waqtiga kama danbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30  Duhurnimo ee maanta” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Guddiga Doorashada Madaxweynaha.

Maalinta berito ayaa lagu wadaa in teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha cusub ee hogaamin doono dalka Soomaaliya afarta sano ee soo socota, waxaana xilka Madaxweynaha u tartamaya 37 Musharax kadib markii ay tanasuleen saacadahii lasoo dhaafay laba Musharax, waxaana haatan Muqdisho siweyn uga socda ololihii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online