4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 12, 2022
Itoobiya oo sheegtay inay fashilisay hub ay Alshabaab isku dayaysay in ay galiso gudaha dalkaas

Khamiis, May, 12, 2022 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa soo bandhigtay hub kala duwan oo ay lahaayeen kooxda Al-shabaab, hubkaas oo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xadka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada Barey  oo ku taal xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay 50 qori oo AK 47 ah, 10 RPG ah, iyo kumaan kun oo rasaas ah.

Dowladda Itoobiya ayaa xirtay Siddeed tuhmane oo kiiskaan lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin.

Waa howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo saraakiisha sirdoon ee ku sugan gobolkaasi, waxaana lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo hub la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo dalka Itoobiya, sida ay dowladda Itoobiya aaminsan tahay.

Waxaa socda baaritaan ay wadaan saraakiisha dambi baarista dalka Itoobiya si loo ogaado  qorshaha laga damacsanaa hubkaan la qabtay.

Horaantii bishan ayay aheyd markii xubno ka tirsan Al-Shabaab la qabtay xilli ay qorsheynayeen weeraro ay ka geystaan gobolka. Waxaa la qabtay hubkii ay wateen, sida ay dowladda Itoobiya sheegtay.

Bishii la soo dhaafay, Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay gacanta ku dhigtay 34 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay wadeen weeraro ay ka geystaan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya iyo qeybo kale oo ka tirsan Itoobiya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]