4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 1 , 2022
Itoobiya : Magaalo ku taal Itoobiya oo dadkeeda Muslimka ah lagu amray inay berri guryahooda ku oogaan Ciidda
 

Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Magaalada Gonder oo ku taal gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, ayaa Muslimiinta halkaa ku dhaqan waxaa lagu wargaliyay in maalinta berri ah oo Ciid ah ay salaadda iyo munaasabadda Ciidda ay ku oogaan guryahooda, sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Golaha sare ee Arimaha islaamka ee gobolka Axmaarada.

Arrintan ayaa loo sababeeyay cabsi laga qabo in weerar lagu soo qaado dadka muslimiinta ah ee salaadda isugu soo baxaya, sidaas darteed la go'aamiyay in muslimiintu ay guryahooda ku sugnaadaan oo ay halkaa salaadda Ciidda ku tukadaan.

Sidoo kale arrintan ayaa u muuqata in dowladdu ay dammaanad qaadi wayday amniga dadka muslimiinta ah ee isusoo bixi lahaa si ay salaadda Ciidda hal meel ugu tukadaan.

Magaalada Gonder ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka taagnayd xaalad amni darro ah, kaddib markii dad muslimiin ah lagu laayay goob uu kasocday Aas sheekh caan ka ah degaankaas.

Maalin ka hor dowladda ayaa isla magaalada Gonder waxay kusoo rogtay bandow xilliga habeenkii ah, si loo sugo amniga magaalada Gonder.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]