4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 1 , 2022
Khilaaf salka ku haya arrimo siyaasadeed oo hareeyeeyay safaaradda Soomaaliya ee Roma
 

Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Dacwad oogayaasha dalka Talyaaniga ayaa baaraya khilaaf soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta Soomaalida oo ku saabsan gacan ku haynta safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay degmada Prati ee magaalada Rome.

Loolanka awooddeed ee dublamaasiyiinta ayaa soo bilowday 7-dii April markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay u magacawday Sii hayaha Safaaradda Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur.

Safiirka Soomaaliya ee Italy, Maxamed C/raxmaan Sheekh Ciise, ayaa markiiba ku gacan seyray go’aanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, wuxuuna ku dooday in la jabiyay hab-maamuus diblomaasiyadeed, maadaama uu ku simaha cusub uu ka yimaado gudaha Safaaradda.

Warqad qoraal ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya u dirtay dhiggooda Talyaaniga ayaa lagu sheegay in Maxamed C/raxmaan Sheekh Ciise uu waqtigiisa dhamaaday 28-kii March.

Maxamed C/raxmaan Sheekh Ciise waxa uu safaaradda madax ka ahaa afar sano.

Safiirkii hore ayaa sheegay in aan si rasmi ah loo soo ogeysiin safiirka lagu bedelay oo uu sheegay inuu si lama filaan ah ku yimid caasimadda Talyaaniga. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay tahay wax aan caadi aheyn in xilka laga qaado iyadoo aan dowlad cusub imaanin.

Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa ku andacoonaya in safiirkii hore Maxamed C/raxmaan Sheekh Ciise iyo labo saxiibadiis ah ay gudaha u galeen safaaradda kadibna ay quful cusub saareen dhismaha safaaradda.

Safiirka cusub ayaa arrintaan ku tilmaamay inqilab, isagoo Booliiska Talyaaniga u sheegay la wareegitaanka safaaradda iyo in ammaankiisa safiirnimo uu halis ku jiro. Waxa uu u sheegay in laga hor istaagayo gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur uu adeer u yahay Madaxweyne Farmaajo, waxayna ka dhawaajisay in khilaafka dublamaasiyiinta uu yahay mid salka ku haya  awooddaha siyaasadeed ee ku hardamaya Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]