4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 27, 2022
Ciidamada Jubbaland oo lagu eedeeyay iney xasuuq ka geysteen deegaanka Qudus ee gobolka Jubbada Hoose
 

Isniin, Juun, 27, 2022 (HOL) - Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda deegaanka Qudus ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ku eedeeyay ciidamada maamulka Jubbaland dhibaatooyin dhawaan ka dhacay deegaanka Qudus.

Odayaasha dhaqanka deegaanka Qudus ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Jubbaland ay tuuladaas gubeen, islamarkaana ay geysteen xasuuq dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanti dadweyne ah.

“Waxaan ka cabaneynaa dhibkii nagu dhacay, dad iyo duunyo ayey tuuladaan ku laayeen ciidamada Jubbaland, naf iyo maal wax noo ceynta malaha, gaadiid, guryo iyo duunyo ayaa si ula kac ah ay u gubeen ciidamada Jubbaland" ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha warbaahinta la hadashay.

Waxgaradka deegaanka Qudus waxay sidoo kale sheegeen ineysan garanen sababta ciidamada Jubbaland ay u dhibaateeyeen shacabka deegaanka Qudus, iyaga oo sheegay in ciidanka ay soo dhaafeen dhowr deegaan si rasmi ahna u soo beegsaday dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanka Qudus.

"Ciidamada Jubbaland waxay ka soo gudbeen dhowr deegaan oo aysan waxaba ka geysan, laakiin waxay weerareen tuulada Qudus oo cid hubeysan aysan joogin, dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti ayey u geysteen, waxaan ka canabeynaa ciidanka Jubbaland” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka deegaanka Qudus.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online