4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 22, 2022
Qaramada Midoobay oo ku baaqday dadaal dheeri ah oo lagu baajinayo khatarta ka dhalan karta macluusha Soomaaliya
 

Arbaco, Juun, 22, 2022 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in sare loo qaado gargaarka bini'aadinimo si looga hortago macluusha ka jirta Soomaaliya xilli qeybo ka mid ah dalka ay ka jiraan abaaro iyo biyo la’aan aad u daran.

Bayaan uu soo saaray, Adam Abdelmoula, oo ah isku duwaha arrimaha bini'aadantinimada ee Soomaaliya, ayuu kaga digay in nafaqo-xumada ba'an ay sii kordheyso haddii aan qorshaha wax-ka-qabashada abaaraha si weyn kor loogu qaadin.

“Xaaladda bini'aadantinimo ee Soomaaliya si degdeg ah ayay uga sii xumaanaysaa. Durba 1.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa la il daran nafaqo-xumo, waxaana fileynaa in 356,000 oo carruurtan ka mid ah aysan sii noolaan ilaa dhammaadka bisha Sebtembar ee sanadkan,” ayuu Abdelmoula ku yiri bayaan uu ka soo saaray Muqdisho.

Sarkaalkan ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa hadalkan ka sheegay degmada Doolow ee koonfurta Soomaaliya, isagoo indhihiisa ku soo arkay dhibaatada ka dhalatay abaarta, xilli ay si wada jir ah u booqdeen ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan ka hortagga abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

"Waxaan aragnay in dadku ay u yimaadeen Doolow si ay gargaar u raadsadaan sababtoo ah halkan waxay ka heli karaan hay'ado gargaar," ayuu yiri  Cabdiraxmaan Cabdishakuur intii uu ku guda jiray booqashada xerada barakacayaasha Kabasa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]