4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 21, 2022
Guddidii dhexdhexaadinta khilaafka mucaaradka iyo muxaafadka oo la kulmay madaxweynaha Somaliland

Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Kadib kulan ay yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddidii isku xilqaantay xalinta khilaafka doorashada, ayaa isku afgartay in qorshaynta howsha xalinta khilaafka loo daayo golaha guurtida.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland kadib kulanka labada dhinac, ayaa lagu sheegay in shirku uu kusoo dhamaaday jawi wanaagsan isla markaana, lagu heshiiyay in howsha loo daayo golaha guurtida madaama oo ay iyagu leeyihiin sharciyada dhexdhexaadinta khilaafaadka.

"Ugu dambeyn, shirkaasi waxa uu ku soo dhammaaday jawi wacan, waxaana la isku af-gartay in golaha guurtida oo sharci ahaan qaranka Somaliland u qaabilsan xallinta khilaafku ay leeyihiin hawshan, iyagana ay tahay in laga war-sugo qaabka loo galayo hawsha" ayaa lagu yidhi qoraalka madaxtooyada.

Madaxtooyadu ma faah faahin hadii howsha oo dhan golaha guurtida loo daynayo, oo ergada isxilqaadantay ay faraha kala baxayaan, iyo in ay door ku yeelin doonaan arrimaha dhexdhexaadinta khilaafka.

Inkasta oo golaha guurtida lagu yaqaanay in ay gacan ka gaystaan xalinta khilaafyada, hadana doorkan kalsooni buuxda kama haystaan xisbiyada mucaaradka madaama oo mucaaradku ay kalsoonidooda siiyeen kaliya guurtidan madaxweynaha la kulmay oo 31 xubnood ka kooban kuwaasi oo isku xilqaamay dhexdhexaadinta khilaafka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]