4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 21, 2022
Puntland: Wasiirka caafimaadka oo xaqiijiyay in la lunsaday 300 kartoon oo ah Buskutka nafaqaynta carruurta
 

Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Wasiirka caafimaadka maamulka Puntland, Jaamac Faarax Xasan ayaa xaqiijiyay in la lunsaday 300 kartoon oo ay ku jireen Buskutka Plumpy Nut, oo loo isticmaalo in lagu daweeyo nafaqo-xumada ba'an ee carruurta yaryar.

Lunsashada Buskutkan ayaa kusoo aaday xilli baahi weyn loo qabay isticmaalkiisa, iyadoo abaaro ba’ani ka jiraan Puntland ayna carruur badan la ildaran yihiin nafaqo darro.

Wasiirka caafimaadka ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in shaqaale kamid ah kuwa waardiyayaasha wasaaradda caafimaadka xarunteeda dhexe ee Garowe, ay u dhaceen mid kamid ah bakhaarada kaydka Buskutka.

Kiiskaan oo dhacay muddo labo bilood ka hor ayuu sheegay wasiirku inay horey ka ogaadaan dadka falkaas ku lug leh. Wuxuu sheegay in kaamerooyinka wasaaradda laga helay macluumaadka ku saabsan cidda la baxday Buskutka.

Wuxuu iska fogeeyay inay masuuliyiintu ku lug leeyihiin arrintaan, isagoo sheegay inay haatan socoto baaris iyo sidii shaqaalaha dambigaas galay loogu qaadi lahaa maxkamad.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]