4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 21, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya qarax ka dhacay goob Caafimaad oo ku taala duleedka magaalada Muqdisho

Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Xalay ka dhacay Tabeelaha Sheekh Ibraahin ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana la sheegay inuu ka dhex dhacay Farmashi ku yaala Tabeelaha Sheekh Ibraahin ee duuleedka Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso, taasoo lagu dhex qariyay Farmashiga gudahisa, waxaana ka dhashay qaraxa burbur xoogan oo gaaray dhismaha Farmashiga iyo dhaawacyo fudud oo gaaray qaar ka mid ah shaqaalihii Farmashiga.

Wararka soo baxayo ayaa shegaya in qaraxa Farmashiga ka dhacay uu salka ku haayo amar kasoo baxay Al-shabaab oo ay diideen maamulka Farmashga, kasoo la xariiray bixinta lacag sakawaad ah.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidami ka tirsan Booliiska Soomaaliya, kuwas oo baaritaano ka sameeyay goobta qaraxa ka dhacay iyo nawaaxigeeda, hayeeshe majirin wax natiijo ah oo kasoo baxay baaritaankooda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online