4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 20, 2022
Dowladda Shiinaha oo maanta shaacisay inay Soomaaliya keenayso 600 tan oo raashin ah

Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Shiinaha ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday heshiis gargaar loogu soo dhoofinayo Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa sheegay inay gurmadka abaaraha uga qeyb qaadanayaan 600 tan oo raashin ah oo loogu talo galay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeem.

Wasiirka gargaarka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dowladda Shiinaha uga mahad celisay kasoo jawaabida qeylo dhaanta abaaraha ee ay dowladda Soomaaliya caalamka udirtay.

Wasiir Khadiija waxay sheegtay in dad gaaraya 7.1 million oo Somaaliyeed ay abaarta aad ula ildaran yihiin, kuwaas oo u baahan gurmad degdeg ah.

Safiirka Shiinaha waxa uu sheegay in heshiiska kadib ay si degdeg ah usoo raridoonaan gargaarka cunto ee ay ugu deeqeen dadka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay dalkiisa inay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka caawiyaan arrimaha gargaarka bini'aadinimada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]