4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 18, 2022
Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida oo beeralayda degaanka u keentay Cagafyo ka caawinaya falashada beerahooda


Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Xukuumadda degaanka Soomaalida ayaa go'aansatay in shacabka beeralayda ah ee degaanka Soomaalida ay ka guuraan qaabkii hore ee ay beeraha u falan jireen una guuraan qaab casri ah, iyadoo sidoo kale shacabka ku dhiirigalisay inay dhulka wax kala soo baxaan si looga kaaftoomo cuntada dibadda ka imaanaysa.

Haddaba Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida iyadoo taa ka duulaysa waxay maalinimadii shalay degaanka keentay Cagafyo ilaa 100 gaaraya, kuwaas oo ay dowladdu ugu talagashay beeralayda degaanka Soomaalida.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo daahfuray Cagafyadan ayaa waxa uu sheegay in baahida lagaga bixi karo dhulka oo wax laga soo saarto, Cagafyadan iyo kuwa kale oo soo socdana ay beeralayda degaanka u horseedi doonaan in qaab casri ah beeraha u fashaan, taas oo kor u qaadi doonta ayuu yiri Madaxwaynuhu wax soo saarka beeraha ee degaanka Soomaalida.

Cagafyadan haatan degaanka soogaaray ayaa haddii sidii la rabay looga faa'iidaysto waxay wax badan ka qaban doontaa dhanka nolosha dadka, iyadoo beeralaydu ku fikiri doonaan inay dhulka wax kala soo baxaan, si looga kaaftoomo cuntada dibadda laga keenayo.

Degaanka Soomaalida ayaa waxaa aad u yar dadka ka faa'iidaysta ama u jihaysta dhanka tabcashada beeraha, iyadoo degaannada dalka Itoobiya intooda badan ay dadku isticmaalaan waxa dhulkooda kasoo baxa, halka degaanka Soomaalida laga isticmaalo waxa dibadda ka yimaadda, waana midda dowladdu xoogga u saareyso in shacabku beeraha ku foofaan, oo ugu yaraan qofku uusan cuntadiisa cid kale ka sugin.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]