4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 9 , 2022
Xildhibaankii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo haysta dhalashada Finland oo loo magacaabay ergayga nabadda Geeska Afrika
 

Sabti, Luulyo, 9, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda ee Finland Pekka Haavisto ayaa u magacaabay xildhibaan Suldaan Saciid Axmed oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya inuu noqdo ergaygiisa gaarka ah ee dhexdhexaadinta nabadda Geeska Afrika.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa sheegtay in Axmed, oo ah xubinta kaliya ee asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ee ku jirta baarlamaanka, uu diiradda saari doono taageeridda geeddi-socodka nabadda ee mid ka mid ah gobollada Afrika.

"Caqabadda soo food saartay gobolka waxaa ka mid ah dagaallo badan oo siyaasadeed iyo kuwa hubaysan, oo ay u dheer tahay in gobolku uu la ildaran yahay abaartii ugu xumayd muddo tobanaan sano ah," ayuu yiri Haavisto. " Dhexdhexaadinta nabadda waa mid ka mid ah mudnaanta siyaasadda dibadda iyo amniga ee Finland."

Saacado kadib magacaabistiisa, Axmed ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu, in magacaabistiisa ay kusoo beegantay xilli xasaasi ah oo gobolka uu wajahayo dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin colaado.

"Waan ku faraxsanahay in xilkan la ii magacaabo, waxaana gudan doonaa waajibaadkayga, waxaanan kala shaqayn doonaa mas'uuliyiinta gobolka si aan u xalliyo arrimaha taagan," ayuu yiri.

Axmed ayaa sheegay in uu dhawaan booqan doono gobolka geeska Afrika oo uu la kulmi doono mas’uuliyiinta si uu ugala hadlo arrimaha iyo xiriirka ka dhexeeya dalka Fimland.