4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 29, 2022
Al-shabaab oo guulo ka sheegatay dagaalkii Maanta ka dhacay deegaanka Aato ee gobolka Bakool
 

Jimco, Luulyo, 29, 2022 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay weerar culus oo ay saakay aroornimadii hore ku qaadeen Saldhigyo ciidanka Liyuu Booliiska ay ku lahayeen deegaanka Aato ee gobolka Bakool.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegteen in saakay ay la wareegeen Saldhiga ugu weyna ciidanka Liyuu Booliiska ku lahayeen deegaanka Aato kadib dagaal ay sheegeen inuu qaatay 2 saacadood oo xiriir ah.

Afhayeenka Al-shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa warbaahinta Shabaab u sheegay iney cagta mariyeen Saldhigyadii Liyuu Booliiska iyo Itoobiyaanka, islamarkaana ay dileen 103 askari, tiro intaa ka badana ay dhaawaceen.

"Waxaan duullaan ku qaadnay maleeshiyaatka Xabashi-kalkaalka ah ee ku sugnaa deegaan Aato ee wilaayada Bakool, dagaal adag oon la galnay cadawga waxaan kaga qabsanay saldhigii ay ku jireen, khasaaraha hordhaca ah ee aragnay waa dhimashada 103 katirsan maleeshiyada Liyuuga ee Xabashi kalkaalka ah, waxaa jira dhaawacyo badan oo ay dhulka baadiyaha ah ku firxaday, sidoo kale waxaan kasoo qabanay maxaabiis" ayuu yiri Afhayeenka Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Saraakiisha ciidamada Liyuu Booliiska iyo kuwa maamulka Bakool oo ku aadan dagaalka culus ee saakay ka dhacay deegaanka Aato oo ay Shabaabku ka sheegteen guulo waa weyn.

Si kastaba ha ahaate waa markii labaad oo dagaalamayaasha Al-shabaab iyo ciidanka Liyuu Booliiska ay ku wada dagaalamaan deegaanka Aato ee gobolka Bakool muda laba todobaad gudahood ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]