4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2022
Taliyaha Hay'adda NISA oo kor u qaaday Mushaaraadka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hay’adda
 

Khamiis, Luulyo, 28, 2022 (HOL) - Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Mahad Maxamed Salaad ayaa mushaar kordhin u sameeyay Saraakiisha ciidamada iyo howlwadeenada kale ee Hay’adda NISA.

Agaasime Mahad Maxamed Salaad ayaa la sheegay inuu go'aansaday sare u qaadista xaquuqda qeybaha kala duwan ee  shaqaalaha hay'adda Nabadsugida, si dhiira galin ay ugu noqoto waajibaadka shaqo ee shaqaalaha hay'adda NISA.

Mushaar kordhinta Maanta loo sameeyay Saraakiisha iyo ciidanka hay’adda NISA ayaa ka dhigan iney la mid noqdeen mushaaraadka la siiyo ciidamada kale ee Qaranka oo ay markii hore ka mushaar hooseeyeen.

Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa sida hoose ugu kala qorsheeyay Mushaaraadka qeybaha kala duwan ee ka howlgala hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

1- G/le Markii hore waxa uu Mushaar u qaadan jiray 400$,halka hada laga dhigay 500$.

2- Jaamici waxa uu qaadan jiray 300$, halka hada looga dhigay 350$.

3- Qofka wata Shahaado Dugsi sare markiisii hore waxa uu qaadan jiray mushaar dhan 200$, hadana waxaa looga dhigay 300$.

4-Mudane ama shaqaalaha caadiga ah ee aan shahadada heysan waxa uu qaadan jiray 150$, waxaana iminka looga dhigay 200$.

5- Askariga dablaha waxa uu mushaar ahaan markii hore loo siin jiray 150$, balse hada waxaa looga dhigay 200$.

Si kastaba ha ahaatee mushaar kordhinta loo sameeyay ciidanka, saraakiisha iyo howlawadeenada hay’adda NISA ayaa la sheegay iney timid, kadib markii dib u eegis lagu sameeyay shaqsiyaad badan oo aanan ka mid aheyn shaqaalaha hay’adda oo dhaqaale badan qaadan jiray iyo kuwa kale oo qaadan jiray xuquuq ka badan inta ay xaqa u leeyihiin.

Gabagabadii Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa sidoo kale  go’aamiyay in askarta iyo saraakiisha ee ka tirsan hay’adda NISA ee geeriyootay ay qoysaskooda xuquuq ka heli doonaan dowladda, iyadoo markii hore aysan laheyn wax xuquuq ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]