4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2022
Madaxweyne Mustafe cagjar " Anagu cid aanu xad iyo dhul toona ku haysano ma jirto"
 

Khamiis, Luulyo, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo in muddo ah ka maqnaa magaalada Jigjiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jigjiga, kaddib markii uu muddo ku maqnaa Gobolada Afdheer iyo Shabelle halkaas oo maalmo ka hor degmooyin kamid ah goboladaasi ay Al Shabaab soo gashay.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jigjiga kusoo dhaweeyay masuuliyiinta degaanka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Jigjjga.

Madaxweynaha ayaa bulshadii garoonka kusoo dhaweysay waxa uu warbixin kooban kasiiyay halkay marayaan dagaalada u dhaxeeya Liyuu Booliska iyo Al Shabaab, isagoo xusay in Kooxda Al Shabaab ee kusoo duushay degaanka Soomaalida laga dhigay wax lalaayay, wax firxaday iyo qayb la qabqabtay, isagoo mahad gaar ah u celiyay Ciidanka Liyuu Booliska ee hawlgalkaas qabtay, waa siduu hadalka udhigay Madaxweynuhu.

Waxa kale oo Madaxweynuhu uu halkaa shacabka ugu sheegay in loo baahan yahay in feejignaan badan la muujiyo, isagoo yiri " Waxaa loo baahan yahay in feejignaan badan la muujiyo, gudaheena waxaa jira dad cadow ah, oo degaankeena soo galaya markaa waa inaan feejignaan dheeri ah muujinaa, Sidoo kale waa inaan fikirka Al Shabaab iyo ficiladooda aynaan fursad yar siinin" ayuu yiri Madaxweyne Mustafe cagjar.

Madaxwenaha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay hadal uu horey u yiri xilligii uu ku sugnaa degmada Feerfeer, kaas oo ahaa in la sameyn doono aag ka caagan Argagaxisada oo ka baxsan degaanka Soomaalida taas oo keentay hadal hayn badan.

Madaxweyne Mustafe cagjar isagoo hadalkiisaa hore difaacaya waxa uu yiri " Haddii marka ay weerarka soo qaadayaan la arkayo oo aysan jirin cid wax ka qabanaysa, waxay ka dhigan tahay cid daaradda kugu xigta ka imaanaysa oo gurigaaga soo dhagax tuuraysa maalin walba, ninkii daaradaas lahaana uu kaa qaban waayo ma soconayso, waa inuu isagu kaa qabtaa kaas, markaa walaaladeen Soomaaliya masuuliyad baa ka saaran arrinkaas inay wax ka qabtaan".

" Anagu cid aanu dhul ku haysano ma jirto iyo xad toona, laakiin cidda xaggaas joogta ha iska xil saarto hawshan, toban kiilo mittre meel xadkayaga u jirta oo Al Shabaab isku uruursanayso oo aan loo dhaqaaqayn sax ma aha ayaanu leenahay, haddii arrinkaas wax laga qabto sabab aanu meel kale u galno ma jirto" ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa kusoo xiray.

Ugu dambayn Madaxweyne Mustafe cagjar ayaa u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay hawlgalka ay xukuumaddiisu kula jirto Ururka Al Shabaab, sidoo waxa uu u mahad celiyay Ciidanka Liyuu Booliska ee dagaalka kula jirta Ururka Al Shabaab, isagoo dhinaca kale ballan qaaday in intii dagaalkaas ku dhimatay reerahoodii ay xukuumaddiisu wax u qaban doonto.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]