4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 28, 2022
Howlgalo ay iska kaashadeen Ciidamada NISA ee Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka oo ka dhacay deegaano hoostaga Kismaayo
 

Khamiis, Luulyo, 28, 2022 (HOL) - Howlgalo qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Maamulka Jubbaland, kuwa Danab iyo Gaashaan ayaa ka dhacay deegaanka Kaamjaroon iyo tuulooyinka oo hoostaga oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay iney burburiyeen saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Kaamjaroon iyo tuulooyinka hoostaga, islamarkaana ay xabsiga deegaankaasi kasii daayeen maxaabiis u xirneyd Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale saraakiishu ay tilmaameen in howlgalkaani uu ahaa mid qorsheysan oo ay ciidamadu ku beegsanayeen burburinta Saldhigyada Al-shabaab ay ku lahayeen deegaanada kala ah Kaamjaroon, Kaliil, Dhalajo, Yaaqxaluul iyo Reebaay, kuwaas oo ay ku sheegeen saraakiisha iney ahaayeen goobaha ay Al-shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa inta badan howlgalo noocaan oo kale ah ka sameeya deegaanada hoostaga Kismaayo, hadana maahan howlgaladaasi kuwa baajiya dagaalada xoogan ee Al-shabaab ka geystaan deegaanada maamulka Jubbaland.