4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 14, 2022
Diyaarad siday gargaar raashiin ah oo Maanta ka degtay degmada Buula Burte


Khamiis, July 14, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ka degtay diyaarad siday gargaar raashiin ah oo qeyb ka noqonaya gurmadka dowladda Soomaaliya ay u sameeyneyso dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Diyaarada siday gargaarkaan raashiinka ah ayaa saakay ka duushay garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho oo ay ka sagootisay sii hayaha xilka wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo ay wehlinayeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee deegaan doorashoodu tahay gobolka Hiiraan oo kala ah Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed iyo Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac.

Degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah deegaanada ay sida weyn u saameysay abaaraha ba'an ee xiligaan ka taagan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana taasi u sii dheer iney go'doon ugu jirto Al-shabaab magaaladaasi ku dhawaad 10 sano.

"Annagoo fulineeyna amarka Madaxweynaha JFS waxaan weli ku guda-jirnaa dhammeystirka qeybinta Sahayda Gargaarka si aan u-gaarsiino deegaanada ugu daran iyo qaarka go’doonka ku jiray muddo oo Abaaraha saameeyeen sida degmada Buula-Barde ee Gobalka Hiiraan-Hirshabeelle.” Ayey tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya maysan faahfaahin inta uu dhan yahay gargaarka ay Maanta ay u dirtay degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan, hayeeshee maaha mid dabooli karta baahida dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku dhaqan degmada Buula burte gargaar degmadaasi lagu geeyay hal diyaarad.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online