4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 13, 2022
Cumar Cabdirashiid: Puntland ma waxay u dhaqmaysaa sida dowlad madax bannaan?
 

Arbaco, July 13, 2022 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa Puntland ku tilmaamay inay u dhaqmayso sida dowlad madax bannaan, kadib markii maamulku u diiday inay Bosaso kasoo dagto ku simaha madaxweynaha Soomaaliya.

“Puntland ma waxay isku dayday inay u dhaqanto sidii dal madax-banaan markii ay diideen in ku-simaha madaxweynaha gargaar loo baahan yahay gaarsiiso magaalada Boosaaso?,”ayuu Cumar Cabdirashiid ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka."

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa sheegay in tallaabooyinka noocaan oo kale ah ay keenayso in si degdeg ah loo dhameystiro dastuurka Federaalka, iyadoo loo marayo siyaasad loo dhan yahay.

Dhinaca kale, siyaasiyiin badan oo ku midoobay dallada aqoonyahannada iyo waxgaradka Puntland, ayaa madaxweyne Deni ugu baaqay inuu iscasilo, iyagoo sheegay inuu ku fashilmay hoggaaminta Puntland.

Waxay sheegeen dhacdadii Bosaso inay ahayd nasiib darro weyn oo laga baaqsan karay, waxayna masuuliyadda dusha uga tuureen madaxweynaha.