4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 13, 2022
Diblumaasi hore oo sheegay in Farmaajo iyo Netanyahu ay si qarsoodi ah u kulmeen sannadkii 2020
 

Arbaco, July 13, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horraantii sanadkii 2020 kulan qarsoodi ah la qaatay Ra’iisul Wasaarihii dalka Israaiil Benjamin Netanyahu, sida uu qoray wargeyska Times of Israel.

Wargeyska oo soo xiganayay diblomaasi hore oo wax ka ogaa safarkaas, ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu bishii February ee sanadkaas u duulay magaalada Quddus isaga oo la socday ergayga gaarka ah ee Somaaaliya ee geeska Afrika, Badda Cas iyo gacanka Cadmeed, Balal Maxamed Cusmaan.

Sida uu wargeysku ku warramay, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay suurtagalnimada in xiriir ay yeeshaan labada dal. Laakiin dadaalladaas ma uusan taageerin madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Donald Trump, kaasoo aan dooneyn in Soomaaliya lagu daro dadaallada gobolka ee loogu magac daray heshiiskii Abraham.

Sida laga soo xigtay diblumaasiga, Farmaajo waxa uu sidoo kale faray safiirka Soomaaliya ee Switzerland, Faadumo Cabdullaahi Maxamuud, in ay ka aamusto codbixintii Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ee 2019 ee Israa’iil ku cambaareysay haysashada Buuraha Golan.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar dambe beddeshay mowqifkeedii ku aadanaa arrintaas, iyadoo sheegtay in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato.

Wargeyska warkan daabacay oo kamid ah wargeysyada ugu afka dheer dalka Israaiil, ayaa dhawaan qoray in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh uu qorsheynayo inuu barlamaanka Soomaaliya kala hadlo xiriirka Israaiil.