4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 13, 2022
Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo goordhaw Muqdisho ku xiray wadaad caan ka dhex ah baraha bulshada
 

Arbaco, July 13, 2022 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Booliiska degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa goordhaw xiray wadaad si weyn looga dhex yaqaano baraha bulshada oo lagu magacaabo Sheekh Shataay.

Ciidamada ayaa la sheegay iney  gacanta kusoo dhigeen wadaadkan dhaliyarada ah xili uu ku sugna gudaha Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Saldhiga degmada Hodan Xuseen Cadceed oo si kooban uga hadlay xariga Sheekh Shantaay ayaa xaqiijiyay in sababta loo soo qabtay wadaadkan ay tahay hadal uu dhawaan sheegay oo ahaa in Ciyaal weerada ay lacago canshuur uu ku tilmaamay ay kaga qaadaan gaadiidka xamuulka ah ee dhexmara wadooyinka degmada Hodan gaar ahaan xaafadda Taleex iyo warar kale oo uu horay uga sheegay dhacdooyin ka dhacay degmada Hodan.

Wadaadkan lagu magacaabo Sheekh Shantaay ayaa Saldhiga degmada Hodan waxaa la tilmaamay in lagu weydiinayo su'aalo la xariira cadeynta warka uu ku sheegay in Ciyaal weerada ay lacago canshuuro ah ka qaataan gaadiidka isticmaala wadooyinka degmada Hodan gaar ahaan wadada laamiga ee xaafada Taleex.

Sheekh Shantaay waa shaqi mudo kooban si weyn uga soo shaac baxay isticmaalka baraha bulshada ku xariirto ee Internetka halkaas oo uu inta badan ka dhex weeraro shaqsiyaad kale oo caan ka ah baraha bulshada ee Social Media.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online