4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 13, 2022
Dowladda federalka iyo Puntland oo xal u raadinaya dhacdadii dhimashada badan dhalisay ee magaalada Bosaso
 

Arbaco, July 13, 2022 (HOL) - Ergayga gaarka ah ee abaaraha Soomaaliya, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa lagu wadaa inuu maalinta berrito u safro Garowe, isagoo matalaya dowladda federalka Soomaaliya.

Booqashada ergayga abaaaraha ayaa ku soo beegmaysa maalmo kadib iska hor-imaadkii dhimashada badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo ka dhashay muwaacino ay sidday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Salaad.

Ugu yaraan 16 qof oo u badan askar ayaa ku geeriyootay dhacdadaas, oo masuuliyaddeeda dusha loo saaray guddoomiye ku xigeenka barlamaanka.

Warar aan helayno ayaa sheegaya in ay qadka taleefoonka ku wada xiriireen madaxda dowladda federalka iyo Puntland, iyagoo kawada hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhacdada Boosaaso.

Mas'uuliyiinta ayaa isku raacay in dhacdada Boosaaso aanay saameyn ku yeelan wada shaqaynta labada dhinac. Dowladda federalku waxay u diraysaa Puntland ergayga abaaraha, si uu u qiimeeyo culayska abaaraha Puntland ka jira.

Sida aan xogta ku hayno, Puntland waxay saluugsan tahay sida ay dowladda federalku u maaraynayo deeqaha loogu galay gurmadka abaaraha.