4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 12, 2022
Dhul-gariir ka dhacay gobolka Sanaag ee Somaliland
 

Talaado, Luulyo, 12, 2022 (HOL) - Dhul-gariir hal-beegiisa lagu qiyaasay 4.6 oo ah cabirka dhul-gariirka, ayaa Isniintii ka dhacay deegaan 170 km waqooyi ka xiga magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ee Somaliland, sida Volcano Discovery qortay.

Volcano Discovery ayaa intaa ku dartay in dhulgariir ka qoto diisu gaadhay ilaa 10 km oo dhulka hoostiisa ah, lakiinse aanu ahayn dhul-gariir wayn oo dhibaato gaystay ama inta la ogyahay burbur soo gaadhsiiyay dhismayaasha deegaankan.

Dhul-gariirada ugu badan ee ka dhaca Somaliland, ayaa ka dhici jiray magaalada Boorama ee gobolka Awdal, halkaasi oo mid kamid ah buuraha magaalada ku wareegsani ay marka muddo la joogaba gariirto in kasta kaa laftsiisu aanu dhib badan gaysan.

Sidookale, dhul-gariir aan khasaare gaysay ayaa laga dareemay magaalooyinka Hargaysa, Gabilay iyo Wajaale 3, Augost, 2021, markaasi oo la dareemay in woxogaa uu dhulku yara dhaqaaqay.

Marka laga yimaado warbixinta Volcano Discovery ma jiraan warar faah faahin ah oo aanu ka helnay deegaanka dhul-gariirku ka dhacay, ama warbixino laga helay dadka deegaanka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]