4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 12, 2022
Dagaal khasaare badan geystay oo ka dhacay deegaanka Bukure ee gobolka Hiiraan
 

Talaado, July 12, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bukure ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal qaraar ku dhexmaray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Al-shabaab oo ku sugnaa maalmahii lasoo dhaafay deegaankaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Bukure oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kaasoo Al-shabaab ay ka talinayeen mudooyinkii dambe.

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu geystay khasaare kala duwan oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aanan la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan isku adeegsadeen labada dhinac.

Taliyaha Guutada 5-aad ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Xasan Ibraahim Baakaay ayaa sheegay in howlgalka ay ku burburiyeen Saldhigii weeynaa oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Bukure, isla markaana ay ka dileen Al-shabaab 12 dagaalame.

Taliye Baakaay ayaa intaa ku daray in howlgalka uu yahay mid weli ay ka wadaan tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxana howlgalada ciidamada dowladda ay kusoo beegmayaan xili dagaalamayaasha Al-shabaab ay mudooyinkii dambe kordhiyeen dhaqdhaqaaqyada ciidan ay ka wadeen inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Maxaas.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online