4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 12, 2022
Wadayaasha Mooto Bajaajta ku shaqeysta xiliga habeenkii oo cabasho ka muujiyay amar kasoo baxay dowaladda Soomaaliya
 

Talaado, July 12, 2022 (HOL) - Wadayaasha Mooto Bajaajta uga dhex shaqeysta xiliga habeenkii gudaha magaalada Muqdisho ayaa cabasho xoogan ka muujiyay amar shalay galinkii dambe kasoo baxay Booliiska Soomaaliya oo lagu macnuucay in 12:00 saqda dhexe waxii ka dambeeya anan la arki karin Mooto Bajaaj dhex socota gudaha magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdi oo ka mid ah wadayaasha Bajaajta oo xiliga habeenkii kaliya ku shaqeysan jiray Moota Bajaajta ayaa sheegay in dhibaato weyn ay ku tahay amarka kasoo baxay dowladda Soomaaliya, maadama uu sheegay in shaqadiisa xiliga ugu wanaagsan ay aheyd habeenkii.

"Dhibaato ayay nagu tahay amarka kasoo baxay dowladda sababto ah maalin aniga ma jecli inaan shaqeeyo oo wadooyinka dhan ayaa mashquul ah hal dolar ba qofka ku qaade maalintii hal saac iyo ka badana jaam ayaa lagu jiraa marka xabo lagama faa'idayo shaqada maalintii, habeenkiina waa cidlo macamiisha aan leyahayna habeenkii ayaan qaadi jiray oo waxay u badnayeen kuwa hotelada, Maqaayadaha ka shaqeeya iyo kuwa qurba joog ah" ayuu yiri Maxamed Cabdi.

Maxamed Cabdi ayaa beeniyay in Mooto Bajaajyada aysan wax shaqo ah ku laheyn eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in amaandarada Muqdisho ay qeyb ka yihiin, isagoona tilmaamay sanad iyo sadax bilood oo uu shaqeynayay xiliga habeenkii ah inuusan la kulmi wax amaandaro ah.

Cabashadaan kasoo yeertay wadayaasha Bajaajta xiliyada habeenkii ka shaqeysan jiray gudaha magaalada Muqdisho ayaa imaanaya, iyadoo Booliiska Soomaaliya shalay ku dhawaaqeen in Bajaaj socota aanan lagu arki karin gudaha Muqdisho waxii ka dambeeya 12:00 habeenimo si loo xaqiijiyo amaanka Caasimada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online