4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 11, 2022
Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo amaro culus duldhigay askarta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed
 

Isniin, July 11, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa amaro culus duldhigay askarta ciidanka xoogga dalka ee hubka ku dhex qaadata gudaha magaalada Muqdisho.

Taliye Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in askarta dowladda looga baahan yahay in dareeska ciidanka ay iska soo dhigaan xiliyada ay soo galayaan gudaha magaalada Muqdisho ama ay ka baxayaan, amaba ay booqanayaan reerahooda.

“Laga bilaabo maanta kadib ma dooneyno in askari xoogga dalka ka tirsan uu xaafadaha iyo suuqyada tuute iyo qori ku dhex wato. Marka ay soo galaan Ciidanka waa in aysan aadin xaafadahooda, taliska Xamar ugu yaala waa in ay yimaadaan, waa in ay Hubka iyo dareeska dhigaan ka dib waa in ay xaafadahooda aadaan” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa.

Waxuu intaasi ku daray taliye Odawaa Yuusuf  in awaamiirtaan keentay si loo yareeyo amni darada kuso korortay magaalada Muqdisho, islamarkaana la ilaaliyo sharafka dareeska ciidanka dowladda Soomaaliya si loo dhiso kalsnoonida shacabka Soomaaliyeed.

Awaamiirtaan ayuu Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ka hor sheegay Saraakiisha ciidanka iyo kuwa Maxkamadda ciidanka qalabka sida, isagoona sheegay in askarigii lagu arko isaga oo magaalada ku dhex wata dareeska ciidanka in uu la mid yahay burcada wax dhacda.

Hadalkaan Maanta kasoo yeeray Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa kusoo beegmaya xili mudooyinkii dambe ay shacabka magaalada Muqdisho si weyn uga cabanayeen burcad hubeysan oo dhac u geysata.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online