4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 11, 2022
Puntland oo ku eedeysay dowladda federalka shaqaaqadii maanta ka dhacday garoonka diyaarada Bosaso
 

Isniin, July 11, 2022 (HOL) - Punland ayaa ku eedeeysay dowladda federalka Soomaaliya inay diyaarad gargaar siday oo aan laga warqabin ka dejisay magaalada Bosaso.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo warbaahinta la hadlay, ayaa arrintaan ku tilmaamay gacan dhaaf sabab u ahaa shaqaaqo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso.

“Puntland waxay diyaar u tahay in dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah, kawada shaqeeyaan sidii dadka abaarta hayso wax loogu qaban lahaa; laakiin muhiimada waxaa weeye in mar walba uu jiro xiriir, oo aysan dhicin gacan dhaaf iyo iska warqab la’aan,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirku masoo hadal qaadin guddoomiye ku xigeenka 1aad ee barlamaanka oo laga celiyay garoonka diyaaradaha iyo khasaaraha ka dhashay shaqaaqada ka dhacday garoonka Bosaso.

Ugu yaraan saddex askari oo katirsan ciidamada dagaalamay ayaa ku geeriyooday iska hor imaadka. Iyadoo uu hakad ku yimid shaqadii garoonka.