4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 11, 2022
Puntland oo dib u celisay diyaarad siday guddoomiye ku xigeenka barlamaanka Soomaaliya
 

Isniin, July 11, 2022 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ka celiyay kusimaha maaxweynaha Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Samatar.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa doonaysay inay raashin gargaar ah oo ay kasoo qaaday magaalada Muqdisho gaarsiiso magaalada Boosaaso, hase ahaatee warar aan helnay waxay sheegayaan in diyaarada siday lagu amray inay dib ugu laabto magaalada Muqdisho.

Arrintaan ayaa loo sababaynaa khilaaf dhinaca qeybsiga gargaarka abaaraha oo ka dhex jira dowladda federalka iyo Puntland, waxayna Puntand diidan tahay sida aan xogta ku helayno, in saamigii ay lahayd aysan ka helin dowladda federalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka ayaa sidaas oo kale horey loogu dhaliilay gargaar kooban oo ay dhowaan geysay magaalada Garowe, iyadoo aan soo dhowayn ka helin maamulka Puntland.

Dhawan, barlamaanka Puntand ayaa codsaday inuu yimaado Puntland, ergayga abaaraha Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, si ay uga hadlaan arrimaha abaaraha iyo qoondada Puntland.