4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 11, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh oo dowladda Ereteriya uga mahad celiyay tababarka ciidamada qaranka Soomaaliyeed
 

Isniin, July 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee tababbarka u joogay dalkaas.

Madaxweyne Xasan oo ugu hambalyeeyay ciidamada tababarka loo soo xiray, ayaa sheegay inuu rajeynayo in iyaga oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka dhabeeyaan dib u xoraynta deegaannada Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay inuu adkeeyey fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddan inuu soo celiyo ciidankan, isaga oo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay ku farxayaan muuqooda oo ay muddo sugayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay tababbarka ciidamadan oo uu sheegay inay qayb ka qaadan doonaan xasilinta Soomaaliya.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa dhankiisa sheegay in Ereteriya ay u tahay sharaf inay ka   qey qaadato tababarka iyo dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliyeed.