4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 10, 2022
Warbaahinta Israa’iil oo qoraysa in madaxweynaha Soomaaliya uu qorsheynayo inuu baarlamaanka kala hadlo xiriirka Israel
 

Axad, Luulyo, 10, 2022 (HOL) - Warbaahinta dalka Israaiil oo soo xiganaysay diblumaasi Soomaaliyeed ayaa sheegtay, in madaxweynaha Soomaaliya lagu wado inuu baarlamaanka kala tashado suurtagalnimada xiriir diblomaasiyadeed oo lala yeesho Israa’iil.

Diblumaasiga oo aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa u sheegay bogga Times of Israel, in dib ugu soo laabashada xukunka ee madaxweyne Sheikh, ay horumar wanaagsan u tahay xidhiidh cusub oo dhexmara Muqdisho iyo Jerusalem.

Israa'iil ayaan xiriir diblumaasiyadeed la lahayn Soomaaliya oo ah dal Muslim ah oo suni ah isla markaana xubin ka ah Jaamacadda Carabta. Dowladda Soomaaliyana, Israaiil uma aqoonsana dowlad.

Warbaahinta Soomaaliya ayaa bishii hore sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan xiriiro la sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Israa’iil xilli uu safar ku joogay Imaaraadka Carabta.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa warkaas beenisay.

Bishii December 2015, shir lagu qabtay magaalada Qudus waxaa ka qeyb galay wasaaradda dhaqaalaha Israiil iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladdiii Soomaaliya ee uu xilligaas madaxweynaha ka ahaa madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.