4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 10, 2022
Ciyaaraha Todobaadka Soomaalida Toronto oo 30 Jirsaday


Axad July 10 2022(HOL) - Magaaladda Toronto ee dalka Canada waxaa ka furmay ciyaaraha todobaadka Soomaalida Canada oo sanadkii 30aad lagu qabanayo magaaladaas,waxaana sanad walba xiligaan oo kale hawshaa qabanqaabadeeda si buuxda u gala ururka horemarinta dhalinyarada ee TODAY kuwaas oo isku abaabula habsami u qabsoomida tartankaas.

Cali Muudeey  oo madaxa  Farsamada Ciyaaraha TODAY ayaa HOL u sheegay in sanadkaan ay tartankaan ka soo qaybgaleen 13 Kooxood oo kala yimi dalalka Canada,Maraykanka iyo Ingiriiska.

Waxayna dhalinyaradaan ciyaaraysay shalay soo bandhigeen ciyaaro farsamadoodu sareeyso,furitaankii ciyaarahaan waxaa ka soo qaybgalay dadwayne fara badan qaar dagan magaalooynka dalkaan & kuwo ka kala yimi dalalka Yurub iyo Maraykanka.

Waxaana garoonka ka muuqaanayey ciyaartooydii hore qaar ka mida oo ka kala yimi dalal dhawra. Ciyaarahaan ayaa socon doona ilaa 17 July oo maalintaas la ciyaarayo ciyaarta kama danabysta ah.

Sanadguurada 30aad ayaa ururka TODAY ayaa la  qorshanayey in la qabto labo sano ka hor , waxaana loo hakiyey xayiraadaha xanuunka Covid 19,

Ciyaarahan ayaa la bilaabay qabashadooda sanadkii 1989 kii oo lagu bilaabay koox la yiraahdo Washington Stars & Toronto waxaana xiligaa ciyaari jiray ciyartooydii magaca wayn kulahaa dalka Soomaaliya ee ku noolaa labadaas magaalo oo ay ka mid yahiin Mukhtaar Cuti & Khaliif Riiko, Abuukar Shaash iyo ciyaartooy  kaloo badan,

Sanadkaan waxaa dhanka kale ciyaarahaan si sharaf leh uga soo qaybgalay marti sharaf farabadan oo ka kala timi dalalka dunida kuwaas oo ah shaqsiyaad magac wayn ku lahaa Isboortiga Soomaaliyeed oo aan ka xusi karno Macalin Shiino Guhaad oo xulka Qarnka K/Kolayga Laylin jiray, Macalin Qariidi oo badi koobabka Ciyarha gobolada Hantiyey , Ciyaaryahan Hore Daysane hadan ah falaqeeyaha Isboortiga Soomaalida kuwooda ugu horeeya looguna jecel yahay, lama soo koobi karo bahda isboortiga yurub oo sanadkaan aad uga soo qaybgalay ciyaarahan 30aad ee Soomaalida Canada ee Toronto lagu qabto.

Kulankii Shalay ugu adkaa Ciyaaraha ayaa dhexmaray Kooxaha Iftin & Ottawa waxayna ku dhamaatay barbardhac 1 & 1 Halka Ciyaartii Labaad ay dhexmartay  Dixon & Gala Canada waxaana loogu awood sheegtay Kooxdii Dixon 6 & 1 oo guushu ku raacday kooxda Gala Canada.

Siyad Said Salah, Hiiraan online
[email protected]
Toronto Canada