4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 8 , 2022
Xisbiga Waddani "Buuni markii uu halkan yimid wuxuu ahaa magangalyo doon"
 

Sabti, Janaayo, 8, 2022 (HOL) - Xogeeyaha Arrimaha Bulshada ee Xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhamme, ayaa sheegay in Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, aanu Somaliland gashan wax tacab ah, isla markaana uu dowlada Soomaaliya la shaqayn jiray xiliyadii hore.

Dhamme ayaa sheegay in Buuni uu la shaqayn jiray xaaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, isagoo ku eedeeyay in uu falal musuq maasuq gaystay intii uu howshaa ku jiray.

"Buuni markii dalka tacabka la galinayay dalka inalamuu joogin,  waxa uu ahaa xoghayaha gaar ka ah ee marwada madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, oo markaa ka shaqaynaysay mashruucii agoomaha ee Jubooyinka, mashruucaas oo musuq badani markii danbe ka yimid" ayuu yidhi Dhamme.

Dhamme ayaa Buuni ku eedeeyay in uu Borama yimid isagoo eedaysane ah oo magangalyo doon ah, isla markaana uu Faysal Cali Waraabe magan galiyay.

"Buuni markii uu halkan yimid wuxuu ahaa magangalyo doon oo isaga oo dhuumanaya ayuu soogalay Borama, xiligaas oo uu eedaysane caalami ah ahaa, Faysal Cali Waraabe ayaa magangalyo siiyay, abaal buu ugu hayn lahaa" ayuu yidhi.

Jawaabta Dhamme ayaa timid kadib, markii uu afhayeen Buuni marar badan ku cel celiyay in uu Somaliland uga tacab badanyahay madaxda xisbiga Waddani.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]