4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 7 , 2022
Faysal Cali Waraabe: "Waan hambalyaynayaa raysal wasaare Rooble"
 

Jimco, January, 7, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo dadka reer Muqdisho ku hambalyeeyay mucaaradada ay kala horyimaadeen xukunka madaxweyne Farmaajo.

"Waxaan u hambalyaynayaa nimankii reer Muqdisho oo kusoo baxay ninkii Farmaajo, waan hambalyaynayaa raysal wasaarahaas guddi ayuu sameeyay, baadha inqilaabkii uu isku dayay 27 December" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa raysal wasaare Rooble ku booriyay in aanu is dhiibin, oo uu ku adkaysto guddida uu u saaray in qilaabka la sheegay in Farmaajo la damacsanaa.

"Waxan ku leeyahay ha is dhiibin nimankan reer Muqdisho mar mar ayay koran noqdaan oo ay cararaane, maanta baarqab noqo oo guddidaa ku adkaysta oo ninka iska qabta ayaan idin leeyahay" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa raysal wasaaraha faray in uu Muqdisho kasoo saaro siyaasiyiinta reer Somaliland hadii ay isaga taageeri waayaan "Kuwa anaga naga soo jeeda ee idiin martida ahna haday codka meel kale mariyaan iska soo erya, anagana xagan xabsi ayaa u diyaar ahe".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]