4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 7 , 2022
Taliska Ciidanka DANAB oo sheegay iney howlgal qorsheysan ku dileen Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab
 

Jimco, Janaayo, 7, 2022 (HOL) - Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB, gaar ahaan Ururka 4-aad ee guutada 16-aad ayaa howgalo qorsheysan waxay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Kumaandooska DANAB ayaa howgalkooda la sheegay iney si gaar ah uga sameeyeen deegaanka lagu magacaabo Gamboole oo ka mid ah deegaanada Shabaab ay ku xoogan yihiin ee gobolka Sh/dhexe, waxaana halkaasi ku dhexmaray labada dhinac dagaalo xoogan.

Taliyaha guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandooska DANAB Gaashaanle dhexe Axmed Cabdullahi Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalada ciidanka Kumaandooska ka fuliyeen deegaanka Gamboole ay ku dileen 5 sarkaal iyo  xubno kale oo ka mid ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugnaa Gamboole.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada ay kula dagalaamayaan dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab ay sii socon doonaan inta ay dhamaan deegaanada gobolkaasi gacanta dowlada dib ugu soo celinayaan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan howlgalka gaarka ah ee ciidanka DANAB ku sheegteen iney ku dileen 5 saraakaal iyo xubno kale oo ka tirsanaa dagalamayaashooda ku sugnaa deegaanka Gamboole ee gobolka Sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online