4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 6 , 2022
Wararkii ugu dambeeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maanta doodiisu adkaatay
 

Khamiis, Janaayo, 6, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw soo gabagaboobay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalintii afaraad oo xiriir ah ka socda teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Shirka wadatashiga Qaran ayaa maanta mar ku sigtay inuu ku dhamaado fashil iyo natiijo la'aan, kadib markii madaxda Golaha wadatashiga ay isku khilaafeen arinta amniga dalka in lagu wareejiyo raysal wasaare Rooble, taasoo keentay madaxda qaar in shirka isaga baxaan walow markii dambe dadaalo dheeraad ah ay madaxda qaarkood sameeyeen shirka dib u bilaawday.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirka Golaha wadatashiga Qaran maanta si weyn uga doodeen arrimaha amniga dalka iyo dardar gelinta hufnaanta doorashada.

"Shirka  Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho ayaa galay maalintii 4aad, iyadoo madaxdu ka arrinsanayaan qodobbada ajandaha shirka  oo sii socon doona inta la isla meel dhigayo dhammaan qodobbada muhiimka ah ee la xiriira doorashooyinka dalka" ayuu yiri wasiir Alcadaala.

Shirka wadatashiga qaran ayaa maanta si weyn uga duwan shirarkii sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ay isku hor fariisanayeen madaxda Golaha wadatashiga qaran, waxaana la filaayay in shirka uu maanta soo gabagaboobo, hayeeshee dooda oo aad u adkaatay ayaa sababtay in shirka lasoo gunaanadi waayo.

Shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ayaa il gaar ah ku wada eegaya natiijada kasoo bixi doonta shirkan u dhaxeeya Raysal wasaare Rooble, shanta madaxweyne goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online