4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 6 , 2022
Dowladda Kenya oo si aad ah feejigaan uga gashay weeraro ay qorsheynayaan Alshabaab
 

Khamiis, Janaayo, 6, 2022 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa si aad ah u adkaysay ammaankeeda, iyadoo la tacaalaysa weerar kasta oo ay qorsheynayaan kooxaha Alshabaab bishan.

Saraakiisha arrintan ka warhaya ayaa sheegaya in ay ka cabsi qabaan in kooxda Al-Shabaab ay qorsheynayaan in ay weerar ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Dowladda UK ayaa 30-kii Diseembar cusbooneysiisay digniinteeda ku aadan halista weerarro dhici kara Kenya bishaan January.

Bisha January waxay Kenya u tahay bil ay gasho feejignaan dheeraad ah, iyadoo ka tusaale qaadanaya weeraro horey u dhacay oo ay Alshabaab ka dambeeyaan, kuwaas oo dhaliyay khasaare weyn.

Janaayo 5, 2020, Alshabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigga Maraykanka ee Manda Bay, ee Lamu.

Janaayo 15, 2016, Alshabab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhig ciiddanka Kenya ku lahaayeen tuulada Ceel Cadde ee gobolka Gedo. Waxaana lagu dilay askar Kenyaan ah oo aan tiradooda la sheegin.

Janaayo 27, 2021, Alshabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday saldhigga ciiddanka Kenya ee Kulbiyoo, waxayna la wareegeen gacan ku heynta saldhiga ciidamada iyo magaalada Kulbiyoow.

Janaayo 26, 2019, qarax ayaa ka dhacay wadada Latema ee magaalada Nairobi, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan hal qof.

Janaayo 15, 2019 Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday dhismaha DusitD2 ee magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ku dileen 21 qof.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online