4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 5 , 2022
Xukuumadda Soomaaliya oo beenisay warar sheegayay in Hawada Soomaaliya lagu wareejiyay shirkad gaar ah
 

Arbaco, January, 5, 2022 (HOL) - Iyadoo saacadahii lasoo dhaafay ee Maanta baraha Buslahada ku wada xariirto lagu faafiyay warar sheegayay in maamulka Hawada dalka lagu wareejinayo shirkad gaar loo leeyahay ayaa waxaa arintaasi si wadajir ah u beeniyey Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka  Sommaaliyeed Axmed Macalin Xasan.

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa dhankiisa beeniyay warka lagu faafiyay baraha Bulshada ee saacadahii lasoo dhaafay la isla dhexmaraayay oo uu tilmaamay kuwa been abuur ah.

"Waxaan Bulshada Soomaaliyeed u caddaynayaa inaysan waxba ka jirin in Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda XFS ay Maamulka hawadda  ku wareejisay Shirkad gaar loo leeyahay. Dawladda Soomaaliya ayaa Maamusha hawadda, waana been abuur wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee la xariira wareejinta maamulka hawadda dalka" ayuu yiri Wasiir Duraan.

Dhinaca kale Maareeyaha Hay'adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin Xasan isna dhankiisa waxba kama jiraan ku sheegay  in maamulka hawadda dalka lagu wareejiyay Shirkad gaar loo leeyahay taas oo fadhigeedu yahay Maraykanka, islamarkaana uu sheegay in shirkadaasi aysanba ka shaqeynin arrimaha hawada.

Si kastaba ha ahaatee warkaan sida wadajirka ah uga soo baxay wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo Maareyaha Hay'adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayso maamulka Hawada dalka oo ay sheegeen iney qeyb ka tahay horumarada ay dowladda Soomaaliya ku talaabsatay.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online