4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 5 , 2022
Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo dalabyo culus u gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaranka
 

Arbaco, January, 5, 2022 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalabyo ku aadan doorashooyinka dalka u gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaranka oo shir ay uga arinsanayaan uga socdo magaalada Muqdisho.

Golaha Musharaxiinta ayaa dalbaday in kuraastii horay loo doortay ee lagu murunsan yahay dib loogu laabto dhamaantood, islamarkaana la saxo habraaca iyo hufnaanta doorasho daah furan, lana burburiyo go'aanadii ay horay u gaareen guddiga xalinta khilaafaadka.

Midowga Musharaxiinta waxaa sidoo kale dalabka ay u gudbiyeen Madasha Wadatashiga Qaran ka mid ahaa in shaqsi walba oo aanan laga hor istaagi karin inuu u tartamo kursiga beeshiisa, islamarkaana meesha laga saaro kursi qof loo xiraayo ama malxiis loo sameynaayo.

Hoos ka akhriso dalabka Musharaxiinta u gudbiyeen Golaha Wadatashiga Qaranka:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online