4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 5 , 2022
Booliska Kenya oo xabsiga u taxaabay 8 qof oo loo xiray weerarkii Alshabaab ka geysteen gobolka Lamu
 

Arbaco, January, 5, 2022 (HOL) - Booliska Kenya ayaa sheegay in ay xireen siddeed qof kadib weerar ka dhacay gobolka xeebta ee soohdinta la leh Soomaaliya kaas oo sababay dhimashada lix qof iyo guryo dab la qabad siiyay.

Kooxda Alshabaab ayaa ka dambeysay dilka lixdaas qof oo mid kamid ah ay gawraceen, weerar ay ku qaadeen tuulo ku taal gobolka Lamu, galabnimadii Axadda.

Booliska ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen sideed qof oo loo soo qabtay dilka dadkaas.

"Baaritaanku si wanaagsan ayuu u socdaa," afhayeenka Booliska Kenya Bruno Shioso ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP, isagoo goor sii horeysay oo uu ku dhawaaqay siddeeda qof oo la xiray.

Lamu, oo ay ku jirto xeebta caanka ah ee loo dalxiis tago ee Jaziiradda Lamu, waxa ay ku dhowdahay xuduudka Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab ay weerarro xad dhaaf ah ka geysatay gobolka xeebta.

Bishii Janaayo 2020, Alshabab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Lamu, halkaasoo ay ku burburiyeen dhowr diyaaradood, kuna dileen saddex Mareykan ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online