4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 4 , 2022
Puntland oo Bosaso ku qabatay hub iyo saanad ciiddan lagusoo qariyay gaari shacab ah
 

Talaado, January, 4, 2022 (HOL) - Ciidanka amniga Puntland ee magaalada Bosaso ee gobolka Bari, ayaa gacanta ku dhigay hub sharci darro ah iyo saanad ciiddan oo lagusoo qariyay gaari nuuca loo yaqaano “isku rogada”.

Taliska qaybta Booliiska Gobolka Bari, oo war kooban soo saaray ayaa sheegay in gaariga hubka siday lagu qabtay garaash la dhigay oo ku yaalla gudaha magaalada Bosaso.

Taliska qeybta gobolka Bari wuxuu intaas ku daray inuu maalmahan ku raad joogay Gaarigan waday hubka sharcidarada ah iyadoo lagu guulaystay in gacanta lagu soo dhigo.

Qabashada hubkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo magaalada Bosaso uu dhawaan ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo ciidamada PSF.

Dagaalka ayaa ka dhashay khilaaf ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyay agaasimihii hay’adda PSF, kaas oo ku gacan sayray inuu xilka iyo hantida PSF ku wareejiyo maamulka cusub ee PSF.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online