4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 4 , 2022
Hay’adda gargaarka Naafadda Soomaaliyeed ee DAF oo hirgalisay madbacad lagu diyaariyo qoraallada dadka aragga la'


Talaado, January, 4, 2022 (HOL) - Hay’adda gargaarka Naafadda Soomaaliyeed ee DAF ayaa markii ugu horraysay Soomaaliya ka higrgalisay madbacad lagu diyaariyo dhammaan qoraallada u sahlaya dadka aragga la’ in ay isticmaalaan.

Madbacadan ayaa lagu daabici doonaa buugaagta dadka aragga  qaba ay isticmaalaan ayada oo lagu daabacaayo farta dadka aragga la’ ee loo yaqaano Braille.

Hay’addu waxay sheegtay in ay madbacadan ugu talo gashay, si loo gaaro yoolka ah in aan cidna laga tagin iyo in carruurta aragga la’ si buuxda u helaan buugaag u diyaarsan habka farta Braille ka oo ay u adeegsadaan xaqa ay u leeyihiin in ay helaan waxbarasho loo siman yahay.

Hay’adda oo ka duuleysa baahiyaha dhanka waxbarasho ee carruurta aragga la’ iyo dhibta ay ku qabaan in ay helaan agab waxbarasho oo dhammeystiran ayaa waxa ay u suuragalisay ardeyda dhigta jaamacaddaha in ay u daabacdo dhammaan casharada oo loogaga dhigay hab u sahlan islamarkaana ay u awoodaan in ay iyagu aqristaan.

“Waxa aan mar walba ka shaqeyn doonaa in ay carruurta aragga la’ helaan buugaag u qoran hab u sahlaya in ay waxbarashooda ku sii wataan isla markaana aysan dareemin caqabad ka hor istaagaysa waxbarashooda,” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday hay’adda  gargaarka Naafadda.

Hirgalinta madbacadan ayaa kusoo aaday, iyadoo maanta dunidu u dabaal dagayso Maalinta caalamiga ah ee farta dadka aragga la’a ay isticmaalaan ee loo yaqaano BRAILLE.

Braille waa hab qoraal ah oo taabasho ah oo ay isticmaalaan dadka aragga naafada ka ah, oo ay ku jiraan dadka aragga, ama kuwa araggoodu hooseeyo.

Braille waa calaamad taabasho ah oo alifbeetada iyo tirooyinka ayada oo la isticmaalayo lix dhibcood si ay u matalaan xaraf iyo nambar kasta, iyo xataa muusik, xisaab iyo calaamado saynis.

Braille (oo loogu magac daray hal-abuurkeedii qarnigii 19-aad ee Faransiiska, Louis Braille) waxaa isticmaala dadka aragga la’ iyo kuwa qayb ahaan wax arka si ay u akhriyaan buugaag iyo qoraallo xilliyeedyo la mid ah kuwa lagu daabacay far muuqaal ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online