4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 4 , 2022
Wararkii ugu dambeeyay shirka Golaha wadatashiga Qaranka oo maalintii labaad galay iyo waxyaabaha looga hadlayo
 

Talaado, January, 4, 2022 (HOL) - Shirka Golaha wadatashiga qaranka ayaa maalintiisa labaad galay, kaasoo shalay si rasmi ah uga furmay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa madaxda Golaha wadatashiga qaran ayaa waxay diiradda ku saarayaan howlaha doorashooyinka dalka iyo khilaafka ka taagan doorashooyinkii Golaha Shacabka ee dhawaan ka bilaawday magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo kismaayo.

Waxaa sidoo kale qodobada inta badan maanta shirka lagu falanqeyn doono la sheegaya iney ka mid tahay sidii hal doorashada loogu soo koobi lahaa hal deegaan doorasho, taasoo madaxda maamulada qaar ay si weyn u daneynayaan in doorashada laga dhigo mid ka dhacda hal deegaan, taasoo uu horay uga biyo diiday madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkaan maalintiisa labaad galay waxa ka qaybgalaya dhamaan Madaxweynayaasha maamul goboleedyada shanta ah, duqa magaalada Muqdisho iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya, waxaana la filayaa in maanta qeyb ka noqdaan shirka Wakiilada Beesha Caalamka, Midowga Musharixiinta iyo Xubno metelaya Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Haweenka.

Shirkaan Golaha wadatashiga qaran ayaa ah mid si gaar ah isha ugu wada hayaan waxyaabaha kasoo bixi doono shacabka Soomaaliyeed iyo waliba daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya, maadama doorashooyinka dalka waqtigii loogu talo galay in la dhameystiro lasoo dhaafay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online